Xogta Heshiiska Uu Kylian Mbappe U Saxeexayo Real Madrid & Dhaqaalaha Waalida Ah Ee Uu Ka Helayo

36

Kylian Mbappe ayay badi warbaahinta caalamku sheegaysaa in go’aanka uu ka gaadhay mustaqbalkiisa Paris Saint-Germain uu yahay inuu u wareego kooxdiisa riyada ee Real Madrid oo uu si bilaash ah ugu biiri karo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

23 sano jirkaas ayaa habeen hore si cad u sheegay inuu gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa isla markaana uu si rasmi ah u shaacin doono gudaha bishan May.

Advertisements

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Kylian uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Real Madrid isla markaana uu ugu horreyn jeebka ku shuban doono 100 Milyan oo euro oo xaqal-qalin ah oo la siinayo isla marka uu heshiiska qalinka ku duugo.

Waxay u muuqatay in is-faham-waa ka jiro dhinaca xuquuqda sawirada Mbappe iyo qaabka loo kala helayo lacagaha kasoo xarooda.

Advertisements

Real Madrid ayaa kaliya 50% inuu ka helo xuquuqda sawiradiisa u bandhigtay Mbappe oo haatan 100% ka qaata PSG balse arrintaas ayaa la xaliyay markii Los Blancos ay 60% ka dhigeen.

Mbappe oo heshiiska uu Madrid u saxeexayaa noqon doono mid shan sano ah ayaa sanadkii mushahar ahaan 25 Milyan oo euro qaadanaya.

Warbixinta wargeyska MARCA ayaa sheegaysa in Real Madrid ay aamusnaan doonto ilaa uu Mbappe isagu si rasmi ah afkiisa uga sheegayo go’aankiisa uu ugu biirayo.

Mbappe ayaa sanadkii 2017 heshiis markii hore amaah ahaa oo 180 Milyan oo euro rasmi lagaga dhigay ugu soo biiray Paris oo 216 kulan oo uu usoo ciyaaray uu 168 gool iyo 87 caawimo kusoo sameeyay.