Gabar uu dhalay Hogaamiyihii hore ee Koofur Afrika Mandela oo geeriyootay

229

Zindzi Mandela oo uu dhalay hoggamiyihii hore ee dalka Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaal dalka Koofur Afrika.

Zindzi Mandela ayaa ku soo caan baxday markii ay aqrisay qoraal uu ku diidayay Nelson Mandela ee ahaa in la sii daayo sanadkii 1985kii.

Haweeneydan oo ahayd 59 sano jir ayaa ahayd safiirkii dowlada Koofur Afrika ee dalka Denmark, hase yeeshee waxa ay ku geeriyootay isbitaal ku yaal magaalada Johannesburg.

Zindsi Mandela ayaa ahayd ilmihii lixaad ee uu dhalay Mandela waxana dhashay Winnie Madikizela-Mandela.