Bukayo Saka Oo Ka Tashanaya Arsenal & Qoddobka Muhiimka U Ah Mustaqbalkiisa Ee Uu Heshiiskiisa Cusub Ku Darayo

87
Advertisements

Garabka kooxda Arsenal ee Bukayo Saka oo haatan kamida xiddigaha ugu muhiimsan kooxdaas ayaa lagu soo warramayaa inuu qoddob muhiim u ah mustaqbalkiisa ku darayo heshiis kordhinta uu u samaynayo kooxda ree London.

20 sano jirkaas ayuu heshiiskiisa Arsenal yahay mid laba sano oo kale ka hadhsan yihiin walow ay kooxdu dookh u haysato inay hal sano oo saddexaad oo dheeri ah kordhiso heshiiskaas.

Advertisements

Gunners ayaan ku qanacsanayn qandaraaskaas waxaana ay doonayaan inay markale heshiis wakhti dheer ah ka saxeexdaan 20 sano jirkaas.

Saka ayaa ah mid ku faraxsan Arsenal isla markaana xidhiidh wanaagsan la leh tababare Mikel Arteta balse maaha wax qarsoon inuu doonayo ka ciyaarista Champions League taas ayaana sababi karta inuu diido inuu heshiis kordhin si sahlan ku sameeyo.

Advertisements

Sida uu haatan sheegayo wargeyska Daily Mail, Bukayo Saka ayaa doonaya in heshiiska cusub ee uu Arsenal qalinka ugu duugi doono lagu daro qoddob cayimaya lacagta heshiiskaas lagu jabin karo.

Haddiiba qodobkaas la suurogaliyo ayay kooxaha saxeexiisa xiisaynaya oo laga xusi karo Manchester City iyo Liverpool noqon doonaan kuwo lacagtaas haddii ay doonayaan toos u bixiya.

Arsenal ayaa si ka duwan kooxaha qaar Premier League aan dhaqan u lahayn in qoddob heshiiska ciyaartoydeeda qiimahooda cayimada ku darto qandaraasyadooda si ay hadhaw boos wanaagsan ugu joogsato wadahadalada ay ku iibinayso haddiiba ay iibinayso.