Saxeexa Cusub Ee Arsenal, Chelsea Oo Barcelona Tartan Adag La Galaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

19

Newcastle United ayaa isku dayaysa inay tababaraha Roma ee Jose Mourinho keento kooxdeeda xagaaga walow uu dhawaanahan wakhti fiican la qaadanayay Eddie Howe (Marca via Express)

Chelsea ayaa Barcelona kula biiri karta tartanka saxeexa weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski. (Guardian)

Advertisements

Tababare Ten Hag ayaa sheegay inuu kooxo kale oo haatan ka asaasiyaad wanaagsan Manchester United dalabaad ka helay balse uu doortay shaqada Old Trafford. (De Telegraaf, via Manchester Evening News)

Real Madrid ayaa heshiis shan sano ah la gaadhay 23 sano jirka PSG ee Kylian Mbappe oo qaab xor ah ugu soo biiri doona suuqa xagaaga. (Marca)

Advertisements

Mbappe ayaan wali heshiiska Real Madrid qalinka ku duugin waxaana isku dayaysa inay fikradiisa bedesho PSG. (Athletic – subscription required)

Barcelona ayaa diyaar u ah inay gasho heshiiska ay Leeds United kagala soo wareegayso Raphinha balse West Ham ayaa kamida kooxaha kula tartamaya. (90Min)

Gareth Bale wakiilkiisa ayaa sheegay in 32 sano jirkaasi ka tagayo Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkan balse aan ka hadlin haddii uu kubadda cagta ka fadhiisanayo iyo haddii kale. (Mirror)

Bayern Munich aya xiisaynaysa xiddiga heshiiskiisa Barcelona xagaaga dhacayo ee Ousmane Dembele. (Sky Sports)

Lyon ayaan la filayn inay rasmi ka dhigto heshiiska amaahda ah ee Tanguy Ndombele oo Tottenham kaga yimid. (Football Insider)

Newcastle iyo Aston Villa ayaa hoggaaminaya tartanka khadka dhexe ee Leeds United ee Kalvin Phillips. (Football Insider)

Arsenal ayaa heshiis 3.5 Milyan eur ah kooxda Sao Paulo kala gaadhay garabka 19 sano jirka ah ee Marquinhos oo heshiis ilaa 2027 ah saxeexaya. (Fabrizio Romano)

Daafaca Arsenal ee Konstantinos Mavropanos ayaa heshiiskiisa amaahda ah ee Stuttgart rasmi ka dhigaya. (Fabrizio Romano)

Daafacii Arsenal ee Sol Campbell ayaa waraysi looga qaaday shaqada tababarenimo ee QPR oo uu baneeyay Mark Warburton. (Talksport)