Mid ka mid ah xiddigaha Manchester City oo qarka u saaran inuu isaga tago garoonka Etihad, markii loo sheegay inuu koox cusub raadsado

43

Mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu isaga tago garoonka Etihad.

Ilkay Gundogan ayaa loo ogolaan doonaa inuu xagaagan isaga tago kooxdiisa Manchester City, sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska.

Xiddigan khadka dhexe ee reer Jarmal ayaa weli heshiiskiisa Etihad waxaa kaga harsan hal sano, waxaana uu dhowaan sheegay inuu u furan yahay inuu sii joogo kooxda inta ka dhiman xirfaddiisa ciyaareed.

Yeelkeede, Kooxda horyaalka Premier League ka dheesha ee Man City ayaa ku wargelisay inuu xor u yahay inuu koox cusub raadsado suuqa kala iibsiga ee soo aaddan.