Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

315

Qarax xoog leh ayaa goordhow laga maqlay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay dugsiga tababarka ciidamada General Gordon.

Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid ismiidaamin ah, hase yeeshee lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid ismiidaamin ah oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo marayay wadada tarabuunka.
Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay waxyeelo soo gaartay ciidamadii la socday kolonyada gaadiidka ah.