Faah Faahin Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

215

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ay howlgal kala duwan ka wadaan deegaano duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaasi oo ay ka dhaceen weeraro kala duwan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka ka wadaan degaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 35Km u jira Magaalada Kismaayo,halkaasi oo qarax iyo weerar toos ah lagula ebegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamada Jubbaland.

Qaraxaasi iyo weerarka oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro soo gaaray Ciidamada Jubbaland,hayeeshee saraakiisha Ciidamada Maamulkaas aysan weli ka hadlin.

Dhowr jee roo hore ayaa Ciidamada Jubbaland waxaa ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ay kala kulmeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Maamulkaas ay mararka qaar sheegaan inay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab.