Raysal wasaare Xamse: Imaaraat-ku waxay nagu khiyaaneeyeen khamiiska iyo luuqadda Carabiga

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu ay kalsoonida Soomaalida ku kasbatay saddex arrimood oo uu ku tilmaamay magaca aasaasihii dalkaas, Sheekh Zaa’id Bin Suldaan Al Nahyaan, dharka khamiiska iyo luuqadda Carabiga.

Xamse ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad magaalada Muqdisho loogu qabtay kooxda fanka ee Waaberi, taas oo ku soo beegantay maalintii dowladda Soomaaliya ay danjiraha Imaaraadka u qabatay 72 saacadood inuu dalka kaga baxo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Sheekh Zaa’id ku tilmaamay “Xaakim Al-Carab”, isaga oo ku sifeeyay oday xikmad badan oo Soomaalida si wanaagsan u yaqaanay, ganacsina la lahaa xilli aysan Soomaaliya weli dowladnimadeeda dhisan.

Wuxuu sheegay in jiilashii hore ee Soomaalidu ay xushmad weyn u hayeen Sheekh Zaa’id, isla markaana xiriirkii iyo walaaltinimadii ka dhexaysay isaga iyo Soomaalida ay sabab u noqdeen in dowladda Imaaraadku si fudud dalka ku soo gasho, kalsooni badanna ka hesho shacabka.

Xamse ayaa sidoo kale xusay in sannadihii 1970-meeyadii ay Soomaalidu lacag u ururin jireen Imaaraadka, taas oo uu ku tilmaamay tusaale muujinaya heerka xiriir iyo walaaltinimo ee labada dhinac ka dhexeeyay xilligii Sheekh Zaa’id.

“Waxay sidoo kale nagu khiyaaneeyeen khamiiska. Soomaalidu marka ay aragto qof khamiis xidhan waxay u qaadataa inuu yahay qof diin leh. Sidoo kale waxay nagu khiyaaneeyeen luuqadda Carabiga,” ayuu yiri Xamse.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo dowladda federaalku ay ku dhawaaqday tallaabooyin ka dhan ah joogitaanka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka ee dalka.