Barcelona Oo Heshay Beddelka Sergio Busquets Oo Ay Sannado Badan Raadinaysay

78

ooxda kubadda cagta Barcelon ayaa heshay ciyaartoygii ay sannadaha badan raadinaysay ee u beddeli lahaa ruug-caddaagooda khadka dhexe ee Sergio Busquets, kaas oo ay hadda dalabkii ay kusoo xero-gelinaysay ka gudbisay.

Barcelona ayaa waaxdeeda iibka u dirtay waddanka Brazil, si ay ula soo xaajoodaan kooxda Palmeiras oo ay ka doonayaan xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Danilo oo lagu tilmaamay inuu yahay ciyaartoy ay ka  muuqdaan astaamihii ruug-caddaaga reer Brazil ee Sergio Busquets.

Advertisements

Sida uu qoray wargeyska Diario Sport, kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Danilo oo 21 jir wacdaro ka dhigay horyaalka dalkaas ayaa isku diyaarinaya inuu usoo safro qaaradda Yurub, waxaana markiiba dalab ka gudbisay Barcelona oo doonaysa inay uga hormarto kooxo kale oo waaweyn oo si dhow ula socday bandhigga ciyaareed ee 21 jirkan.

Blaugrana ayaa la sheegay inay u fududahay inay hesho Danilo, sababtoo ah waxay xidhiidh dhow la leedahay wakiilladdiisa Kia Joorabichian iyo Giuliano Bertolucci.

Dadka sida fiican ula socda Danilo ayaa u saadaalinaya inuu noqon doono xiddig weyn oo waliba ku habboon beddelka Sergio Busquets marka laga eego qaabka ciyaartiisa iyo sida uu u fahmo hadba jihada ay kubaddu ka socoto ee ay tahay inuu u dhaqaaqo.

Waxa kale oo Barcelona lala xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara Wolves iyo xulka qaranka Portugal ee Ruben Neves oo 25 jir ah oo ay isagana  u doonayso beddelka Busquets, halka ay isha ku hayso Aurelien Tchouameni oo Monaco u ciyaara iyo Martin Zubimendi oo Real Sociedad ah.

Danilo ayaa qiimihiisa lagu sheegay inta u dhaxasa €20 milyan oo Euro illaa €20 milyan oo Euro, waxaanu qiimihiisu sare usii kacay markii uu kooxdiisa Palmeiras ka caawiyey inay si xidhiidh ah laba sannadood oo isku xiga ugu guuleysato Copa Libertadores.