Aqalka sare oo si diiran u soo dhoweeyay War murtiyeedka Shirka Dhuusamareeb

168

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhoweeyay go’aankii ka soo baxay Shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kaasoo dhex maray Madaxda dowlad goboleedyada.

War saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in go’aanka ka soo baxay shirkaas uu yahay mid taariikhi ah, loona arko inuu yahay guul horudhac u ah heshiis wadajir ah oo ay wada gaaraan dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, dalkana u horseedi kara nabad, degenaansho iyo horumar.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa ammaan iyo boggaadin loogu jeediyay Madaxda iyo shacabka dowlad goboleedka Galmudug kaalinta mugga leh ee ay ka qaateen qabsoomida shirka ay gogoshiisa ay fidiyeen.

Halkan hoose ka akhriso:-