Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Sabti Ah

49
Suuqa iibka
Advertisements

Everton weeraryahankeeda Dominic Calvert-Lewin ayaa filaya inuu kooxda ka tago xagaaga iyadoo ay xiisaynayaan Arsenal iyo Newcastle United. (Football Insider)

Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay xiisaynayso khadka dhexe ee Man City ee Ilkay Gundogan. (Marca)

Advertisements

Newcastle United ayaa meesha ka saartay saxeexa xiddiga heshiiskiisa Man United dhacayo ee Jesse Lingard ilaa uu ka tanaasulo mushaharka £150,000 ah ee uu toddobaadkii doonayo. (ESPN)

Barcelona daafaceeda Samuel Umtiti ayaa loosoo bandhigay Arsenal oo xataa qaab amaah ah ku qaadan karta. (Sport)

Advertisements

Liverpool ayaa diyaar u ah inay xagaaga dhagaysato dalabaadka laga soo gudbinayo Alex Oxlade-Chamberlain. (ESPN)

Pogba ayaa PSG ama Juventus mid ahaan ku biiri doona marka uu bilaashka kaga tago Man United xagaaga. (Eurosport)

West Ham ayaa doonaysa inay sii haysato goolhaye Alphonse Areola oo xilli ciyaareed kale PSG amaah ugaga sii joogi kara amaba ay heshiiskiisa rasmi kaga dhigi karaan £11 Milyan. (Fabrizio Romano)

Newcastle United tababaraheeda Eddie Howe ayaa doonaya inuu heshiiska amaahda ah ee daafaca bidix ee Matt Target ka dhigo mid rasmi ah. (Chronicle)

Fulham ayaa qaab bilaash ah ku doonaysa saxeexa daafaca West Ham kasii socda ee Ryan Fredericks kaddib markii ay usoo dalaceen Premier League. (Evening Standard)

Fraser Forster ayay macquul tahay inuu kulankiisii ugu dambeeyay u ciyaaray Southampton iyadoo heshiiska 34 sano jirkaasi dhacayo, Tottenham ayaa lala xidhiidhinayaa. (Daily Echo)

Barcelona ayaa doonaysa inay iska iibiso daafaca dhexe ee Oscar Mingueza  oo ay 5 Milyan oo euro ku doonayso iibkiisa xagaaga. (Sport)

Tottenham ayaa ah mid kamida kooxaha xiisaynaya garabka Nottingham Forrest ee Brennan Johnson. (Football.London)

Manchester United ayaa dhagaysan doonta dalabaadka Brandon Williams oo xilli ciyaareed amaah ah ugu maqnaa Norwich City. (Manchester Evening News)

Gross iyo Danny Welbeck ayaa ku dhaw inay heshiisyo cusub u saxeexaan Brighton. (Argus)

Arsenal ayaa garabka weerar ee Sao Paulo ee Marquinhos kula soo wareegaysa heshiis saddex Milyan oo pound ah. (Goal)

Manchester United daafaceeda midig ee Diogo Dalot ayaa loo sheegay inuu ku jiro qorshayaasha tababare Erik Ten Hag. (Manchester Evening News)

Wolves daafaceeda Nelson Semedo ayaa rajaynaya inuu mudo dheer kooxdaas sii joogo walow aan wali wax wadahadalo cusub ah lala furin. (Express and Star)