“Real Madrid horyaal ayay u gaajoonaysaa, waana inaan guul ku dabbaal-degno Khamiista” – Kabtan Sergio Ramos

67

“Real Madrid horyaal ayay u gaajoonaysaa, waana inaan guul ku dabbaal-degno Khamiista” – Kabtan Sergio Ramos.

 Daafaca Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday sida uu yahay qorshaha kooxdiisa kulanka khamiista, waxaana uu xusay inay u baahan yihiin inay horyaalka u dabbaal-degaan.

Kabtanka Real Madrid ayaa soo bandhigay in kooxdiisa ay u gaajoonayso inay hanato horyaalka, isla markaana ay doonayaan inay hantiyaan La Liga marka ay garoonkooda Estadio Alfredo di Stefano ku qaabilayaan Villarreal.

Horyaalka La Liga ayay ku guuleysan Los Blancos haddii ay garaacdo Villarreal ama lagu dheggo kooxda ay tartamayaan ee Barcelona, waxaana ay ku guuleysan doonaan horyaalka markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2016-17.

Waxa uu sheegay Kabtan Ramos in kooxda aysan weli waxba ku guuleysan, balse ay gacantooda wax waliba ku jiraan, isagoo ka hadlayey hanashooda horyaalkana waxa uu yiri: “Waxba weli kuma aanan guuleysanin, inkastoo kooxdu u gaajaysan tahay inay horyaalka ku guuleysato.”

“Gacanteenna ayuu ku jiraa, waxaana weli harsan dhibco aan xoogsan karno, waxaana doonaynaa inaan ku guuleysanno” ayuu hadalkiisa ku daray kabtan Ramos.

Dhinaca kale xiddiga reer Spain ee Sergio Ramos ayaa sheegay in horyaalka La Liga loogu guuleysto shaqo joogto ah, isla markaana kooxda doonaysa inay hanato horyaalka laga rabo in adkaato kulan waliba kulanka xiga.