Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa ka gaabsaday inuu dhaliilo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaddib markii wax laga weydiiyey hadallo uu Trump hore ugu sheegay Soomaalida iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.
Cali Balcad ayaa arrintan kaga jawaabay waraysi uu siiyey telefishanka Al Jazeera English, barnaamijka Talk to Al Jazeera, oo la baahiyey 16-kii Noofambar 2026, kaas oo diiradda lagu saaray safarka dheer ee Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska iyo xasilloonida.
Wareystaha ayaa wasiirka xusuusiyey in Madaxweyne Trump uu marar kala duwan hadallo meel-ka-dhac ah u adeegsaday Soomaalida ku nool Maraykanka, isaga oo dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay “qashin”, isla markaana sheegay inaanay waxba ku soo kordhin dalka Maraykanka. Waxa kale oo uu Trump Soomaaliya ku sifeeyey dal “wasakh ah, fool xun, oo dambigu ku badanyahay”.
Markii la weydiiyey in hadalladaasi ay isaga iyo bulshada Soomaaliyeed ka xumaadeen iyo in kale, Cali Balcad waxa uu ku jawaabay in isaga laftiisu yahay muwaadin Maraykan ah, isla markaana Trump uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalkaas, maadaama ay muwaadiniinta Maraykanku doorteen.
“Marka koowaad, aniguba waxaan ahay muwaadin Maraykan ah. Madaxweyne Trump waxa doortay muwaadiniinta Maraykanka, sidaas darteed waa madaxweynaha sharciga ah ee Maraykanka. Sidaas darteed kama jawaabayo hadallada uu sheegay,” ayuu yidhi Cali Balcad.
Qaybta kale ee waraysiga ayuu wasiirku kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo isbeddellada dalka ka dhacay muddadii ka dambaysay burburkii dowladdii dhexe in ka badan 30 sano ka hor. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, isaga oo xusay in kaalintii beesha caalamku ay qayb weyn ka qaadatay soo kabashada dalka.
Waxa kale oo uu ka hadlay dhammaadka hawlgalkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo la soo afjaray bishii Oktoobar 2026, kaddib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya. Wasiirku waxa uu tallaabadaas ku tilmaamay mid muujinaysa rabitaanka dowladda ee ah inay si weyn ula wareegto masuuliyadda maamulidda arrimaheeda gudaha.
Si kastaba ha ahaatee, waraysiga waxa lagu xusay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado amni oo la xidhiidha dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay weli dalka ka taageeraan hawlgallada ka dhanka ah kooxdaas. Waxa kale oo la soo qaaday walaaca laga qabo dhimista taageerada dhaqaale ee Maraykanka ee hawlgalka ciidamada Midowga Afrika.
Cali Balcad ayaa sheegay in inkasta oo ay jiraan caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale, haddana Soomaaliya ay maanta ka xasilloon tahay sidii ay ahayd sannado ka hor, isaga oo rajo ka muujiyey in beesha caalamku sii waddo taageerada dhaqaale ee ay siiso dalka.











