Nin Soomaali ah oo weerar dhimasho sababay ka gaystay Norway

11

Nin Soomaali ah oo ku sugan magaalo 90km u jirta magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa middi ku weeraray 3 dumar ah oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin, halka midda saddexaadna ay caddaan ahayd.

Warbixin booliisku soo saaray hal saac kadib weerarka ayaa lagu sheegay in haweenaydii caddaanka ahayd ay dhaawicii gaaray ay u dhimatay, halka labadii Soomaalida ahaana ay midkood xaaladeedu liidato.

Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay la xiray. Weli ma cadda sababta weerarka hogaamisay, hase yeeshee qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo maskaxda ka xanuunsanaa.