Barcelona oo soo bandhigtay maaliyadda ay xiran doonto marka ay gurigeeda ku ciyaarayso fasal ciyaareedka cusub ee 2020/21.

91

Barcelona oo soo bandhigtay maaliyadda ay xiran doonto marka ay gurigeeda ku ciyaarayso fasal ciyaareedka cusub ee 2020/21.

(Barcelona) 14 Luulyo 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ee ka dheesha horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda reer Catalonia waxa ay shaacisay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay mininkeeda joogto xilli ciyaareedka cusub ee 2020/21.

Maaliyaddan ayaa ka sameysay midabada kooxda ay caanka ku tahay ee Buluugga iyo guduudka, waxaana ku xardhan diilimo midkoodu huruud ama Jaalle yahay, halka kuleetiga ay ka tahay Jaalle.

Labiskan cusub oo ay kooxda Barca ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Nike, waxaana xabadka kaga dheggan Magaca shirkadda ay heshiiska kula jirto oo ay xayeysiinta u sameyso ee Rakuten iyo astaanta kooxda.