Mikel Arteta oo sare u qaaday shakiga ku jira mustaqbalka Mesut Özil ee kooxda Arsenal

59

Mikel Arteta oo sare u qaaday shakiga ku jira mustaqbalka Mesut Özil ee kooxda Arsenal

(London) 13 Luulyo 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay mustaqbalka ciyaaryahanka reer Germany Mesut Özil ee naadiga Gunners.

21 jirkan ayaan u ciyaarin kooxda Arsenal tan iyo bishii March ee la soo dhaafay, kahor inta aan kubadda cagta loo joojin caabuqa saf marka ah ee Coronavirus.

Qandaraaska haatan uu Mesut Özil ku joogo kooxda Arsenal ayaa wuxuu dhacayaa sanadka 2021, waxaana saxaafada Ingariiska ay sheegeysaa in maamulka Gunners ay ku fikirayaan inay ka takhalusaan suuqan xagaaga, sababa la xiriira mushaarkiisa oo aad u sareeya.

Haddaba Mikel Arteta ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah “Goal” ayaa wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Mesut Özil wuxuuna yiri:

“Mustaqbalka Mesut Özil? Arrintu wali waxba iskama badelin sidii ay aheyd labdii isbuuc ee la soo dhaafay”.

“Horey ayaan uga hadlay oo waxaan iri waxaan ka shaqeyn doonnaa inaan xalino wax walba oo gudaha ah, mana haayo wax intaas ka badan oo aan kaga hadlo arrintan”.

Waxaa xusid mudan in Mesut Özil uu Arsenal kala qeyb qaatay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan 23 kulan, wuxuu u dhaliyay 1 gool, halka 3 gool kalena uu caawiyay.