Kooxda Chelsea oo diyaar u ah inay iska iibiso mid ka mid ah Xiddigaheeda ugu muhiimsan… (Waa kee?)

64

Kooxda Chelsea oo diyaar u ah inay iska iibiso mid ka mid ah Xiddigaheeda ugu muhiimsan… (Waa kee?)

Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay dhegaysato dalabyada u imaanaya Cayaariyahankeeda N’Golo Kante, kaas oo xagaaga soo aaddan la filayo inuu ka tagi doono The Blues.

Warsidaha dalka Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in Kooxda ka soo jeedda Galbeedka Magaalada London ee Chelsea laga yaabo inay xagaagan iska fasaxdo xiddiga heerka caalami ee Waddanka Faransiiska ee Kante, kaas oo la la xiriirinayo Tababarihiisii hore ee Antonio Conte, si ay markale ugu midoobaan Kooxda Inter Milan.

Tababaraha reer England ee Frank Lampard ayaa hore si maldahan u sheegay inuusan N’Golo Kante ka mid noqon doonin qorshihiisa xiga ee Kooxda, kaddib markii ay soo wajaheen dhaawacyo kala duwan tan iyo xilli ciyaareedkii hore.

U dhaqaaqista 29-sano jirkan ayaan noqon doonin mid raqiis ah, iyadoo la ogsoon yahay inuu weli haysto heshiis saddex sano ah uu kusii joogi karo garoonka Stamford Bridge.

Si kastaba ha noqotee, N’Golo Kante ayaa sidoo kale Kooxda Chelsea ka qaata mushahar dhan 290,000 kun oo gini isbuucii, taas oo soo dedejin karta inay iska iibiyaan xiddigii hore ee Kooxda Leicester City.