Imisa gool ayuu u baahan Cristiano Ronaldo si uu ugu guuleysto abaal-marinta kabta dahabka ah?

103

Imisa gool ayuu u baahan Cristiano Ronaldo si uu ugu guuleysto abaal-marinta kabta dahabka ah?

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya loolan aad u adag, si uu ugu guuleysto abaal-marinta kabta dahabka ah ee la siiyo dhamaadka xilli ciyaareed kasta gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalada waa weyn ee Yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa xilli ciyaareedka ku bilaawday si tartiib tartiib ah heerkiisa gooldhalinta, madaama uu dhaliyay kaliya 5 gool oo kaliya 14-kii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Talyaaniga.

Laakiin kulamadaas kaddib Cristiano Ronaldo ayaa kor u qaaday heerkiisa gooldhalineed kulamadii ugu dambeeyay uu ka soo muuqday kooxda Juventus, wuxuuna ilaa iyo haatan dhaliyay 28 gool, wuxuuna 1 gool oo kaliya u jiraa Ciro Immobile oo hoggaaminaya gooldhalinta horyaalka Talyaaniga.

Laacibka reer Portugal ayaa awood u yeeshay inuu goolal dhaliyo dhamaan kulamdii ay kooxda Juventus ka ciyaartay horyaalka Serie A, kaddib markii laga soo laabtay saameynta Coronavirus si loo dhameystiro xilli ciyaareedka, wuxuuna 7 gool ku dhaliyay 6 kulan uu ciyaaray, taasina waxay ka dhigtay inuu si dhab ah ugu tartamo abaal-marinta kabta dahabka ah.

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa hoggaaminaya tartanka loogu jiro abaal-marinta kabta dahabka ah, kaddib markii uu xilli ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka Bundesliga 34 gool, Ciro Immobile oo dhaliyay 29 gool ayaa fadhiya booska labaad, halka Cristiano Ronaldo uu booska saddexaad la fadhiyo 28 gool.

Haddaba Cristiano Ronaldo ayaa heysta fursad uu ugu guuleysan karo abaal-marinta kabta dahabka ah markii 5-aad ee taariikhda xirfadiisa kubadda cagta, wuxuuna u baahan yahay 7 gool, si uu kaga sara maro Robert Lewandowski, inta lagu gudi jiro 6-da kulan ee ka harsan xilli ciyaareedkan, waana gooldhaliye awood u leh inuu shaqadaas qabto, sida uu sameeyay 6-dii kulan ee la soo dhaafay, laakiin howshu ma fududa.

Markii ugu dambeysay ee Cristiano Ronaldo loo caleemo saaro abaal-marinta kabta dahabka ah ayaa aheyd xilli ciyaareedkii 2014-2015, marka wuxuu u baahan yahay inuu markale ku guuleysto si uu u soo yareeyo farqiga u dhexeeya isaga iyo Lionel Messi oo abaal-marintan ku guuleystay 6 jeer.