Bulshada Baardheere oo ka Cabanaysa Burburka xoogan ee ay ku sugan tahay Buundada Baardheere/

163

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa cabasho xoogan waxay ka muujiyeen Burburka baahsan ee ku yimid Buundada,iyadoo mudooyinkii ugu dambeyeyna ay sii kordhayeen khasaaraha ka dhashey Buundada oo halbowle u ah Nolosha dadka iyo deegaanka.

Buundada degmada baardheere ayaa sidoo kale marin muhiim ah oo isku xirta qaybo kamid ah degmooyinka gobolka gedo, qaar kamid ah gobolada dalka soomaaliya iyo xuddudaha soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya ..
Xuseen Aden warsame oo ka mid ah Odoyaasha Baardheere ayaa sheegay Buunada hadii aysan si deg deg ah u helin dacaytir xoog leh, waxaa imaan kara ayuu yiri in magaalada ay u kala qaybsanto laba dhinac taa oo sababi karto in bulsho badan ay noloshooda halis gasho..

“ Dhibka na haysta anaga reer Baardheere Buundadan oo halbowle u ah Nolosha Baardheere 40 sanno ka hor ayaa la dhisey mudadii bur burkana waxaa lagu marayey Jiingado iyo fuustooyin la is saarey ayaa lagu marayey,kuwii iyagana wey dhamaadeen,maalintii ilaa 10 neef oo geel ah ayaa ku jabta,laguna qalaa,bishiina ilaa 5 qof ayaa ku jabta marka ay marayaan Buundada sidaasi waxaa yiri Xuseen Warsame.

Sidoo kale Maxamed C.raxmaan Matow oo ka mid ah Waxgaradka Baardheere ayaa sheegay in xaalada Buundada xilligan ay taagan tahay meel halis ah ayna u baahan tahay dabaqabasho,waxuuna timaamay,Maalin kastaana in si dhib leh ay ku maraan kumanaan dadwayne ,noocyada kale gedisan gaadiika iyo waliba Boqolaal neef oo xoolo nool ah.

Horaantii Bishii Oktobar sanadkii hore ee 2019kii ayey ahayd markii Ra,isal wasaaraha DF uu dayactirka Buundada Baardheere uu ku bixiyey lacag dhan ilaa 317 kun oo Dolar,balse ilaa iyo hadda laguma guuleysan dib u dayactirka Buundada.

Buundada Baardheere oo la dhisey sanadka markuu ahaa 1978 ayaa 29 kii sanno ee la soo dhaafey aanan helin wax dayactir ah,dadka,Gaadiidka iyo Xoolaha ka gudbaya ayaa xilligan waxay ku maraan si macmal ah,