Newcastle oo garoonkeeda St James’ Park guul kaga gaartay kooxda Arsenal

37

Newcastle ayaa garoonkeeda St James’ Park guul kaga gaartay kooxda Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Newcastle iyo Arsenal ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Newcastle ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool iska dhaliya daafaca naadiga Arsenal ee Ben White, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

85 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Newcastle ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay laacibkooda Bruno Guimarães.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Newcastle, kooxda Arsenal oo marti ugu ahayd garoonka St James’ Park, kaddib guuldarradan Gunner ayaa u dhacday kaalinta 5-aad ee dhanka kala Sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 66 dhibcood.