Kooxaha Cadiz iyo Real Madrid ayaa barbaro ku kala baxay, kaddib markii ay isku mari waayeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain. Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood Cadiz iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah. Daqiiqadii 5-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mariano Díaz, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Rodrygo. 37 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Cadiz ayaa dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay weeraryahankooda Rubén Sobrino. Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay. Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Cadiz iyo Real Madrid, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio Nuevo Mirandilla.

54

Kooxaha Cadiz iyo Real Madrid ayaa barbaro ku kala baxay, kaddib markii ay isku mari waayeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulammada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayeey labada kooxood Cadiz iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 5-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Mariano Díaz, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Rodrygo.

37 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Cadiz ayaa dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay weeraryahankooda Rubén Sobrino.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Cadiz iyo Real Madrid, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Estadio Nuevo Mirandilla.