Magacyada Afar Xiddig Oo Waaweyn Oo Uu Ku Jiro Sadio Mane Oo Ay Doonayso Bayern Munich

78

Xiddiga Liveprool ee Sado Mane ayuu magaciisu kasoo dhex muuqday afar ciyaartoy oo ay doonayso Bayern Munich xagaagan soo socda, kuwaas oo ay qorshaynayso inay ku xoojiso safkeeda.

Sadio Mane oo inta badan xilli ciyaareedkan ka dheelayay weerarka dhexe maadaama uu dhaawac ku maqnaa Roberto Firmino, isla markaana marar badan kaydka la dhigay amaba garabka loo diray Diogo Jota.

Advertisements

Laacibka reer Senegal ayaa 49 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay waxa uu dhaliyey 22 gool oo uu ku daray shan kale oo uu caawiyey, halka uu xulka qarankiisa u qaaday Koobka Qaramada Afrika, sidoo kalena uu usoo saaray Koobka Adduunka.

30 jirkan oo qandaraaskiisa Liverpool uu ka  hadhsan yahay sannad kaliya ayaanu mustaqbalkiisa Anfield sugnayn iyadoo aanay wali isla meel dhigin inuu qandaraas cusub saxeexoiyo in kale, waxaana la rumaysan yahay in xaaladda Mohamed Salah ay saamayn ku yeelanayso Mane oo uu isaguna doonayo mushahar u qalma oo ugu yaraan ku dhow ama le’eg midka uu Salah dalbanayo.

Advertisements

Si kastaba, Bayern Munich ayaa la sheegay inay waqti hore wada-hadallo la yeelatay wakiilka Sadio Mane, ayna ku darsatay liiska  afar ciyaartoy oo ay doonayso.

Sida uu sheegay wariyaha wargeyska caanka ah ee Bild ee Christian Falk, Bayern Munich ayay ka go’an tahay in ay hesho Mane kaddib markii uu weeraryahankeeda Robert Lewandowski u xaqiijiyey in aanu heshiis cusub u saxeexi doonin oo uu doonayo inuu iskaga  tago.

Sidoo kale, Serge Gnabry ayaa isaguna diiday inuu heshiis cusub u saxeexo Munich, waxaana lala xidhiidhinayaa  Real Madrid oo la rumaysan yahay inay doonayso in ay xagaagan lasoo saxeexato, haddii kalena ay sannad  kaddib si bilaash ah kula soo wareegto.

Saddexda ciyaartoy ee kale ee ay Munich doonayso ayaakala ah Sebastien Haller oo ka tirsan Ajax, Ousmane Dembele oo Barcelona si xor ah uga tegaya iyo Sasa Kalajdzic oo khadka dhexe uga  ciyaara Stuttgart.