Xiisad ka taagan doorashada Ururka Qareennada Soomaaliya

0

Xiisad ayaa ka taagan doorashada hoggaanka Ururka Qareennada Soomaaliyeed, kaddib markii ciidamo boolis ah la geeyay xarunta ururka ee magaalada Muqdisho, xilli maanta loo qorsheeyay in doorashada ay ka dhacdo.

Arrintan ayaa timid iyadoo guddiga doorashada ururka uu ku adkeystay in codbixintu u dhici doonto sidii loo qorsheeyay, inkastoo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ay soo saartay amar dhigaya in doorasho ku-meel-gaar ah la qabto muddo laba bilood gudahood ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Talaadadii soo saaray wareegto wasaaradeed oo lagu nidaaminayo doorashada ku-meel-gaarka ah ee ururka, laguna qeexayo waqtiga ay tahay in la qabto.

Wasaaraddu waxay sheegtay in wareegtadu ay dhaqan galayso laga bilaabo 24-ka Nofeembar, isla markaana ay ku jiraan tilmaamo guud oo ku saabsan habka doorashada, gaar ahaan ilaalinta qoondada haweenka qareennada ah, jagooyinka la isku dooranayo iyo muddada xilalka.

Hase yeeshee, guddiga doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo saaray 24-kii Nofeembar ku sheegay inuusan helin wax cabasho rasmi ah oo la xiriirta habka doorashada, sidaas darteedna ay codbixintu dhici doonto 25-ka Nofeembar, oo ah maanta.

Guddigu wuxuu sheegay in casuumaadaha doorashada la diray, diyaargarowgii la dhammeystiray, isla markaana waqti iyo dhaqaale badan lagu bixiyay qabanqaabada.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Wasaaradda Cadaaladda inay soo saartay amar sharci ahaan aan qiimo lahayn, kaas oo uu ku tilmaamay faragelin lagu sameynayo awoodda ururka iyo madax-bannaanidiisa.

Guddigu wuxuu adkeeyay in Ururka Qareennada Soomaaliyeed uusan ahayn hay’ad dowladeed, isla markaana uu diiddan yahay faragelin kasta oo lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada.

Dhanka kale, Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir, oo ka tirsan Ururka Qareennada Soomaaliyeed, ayaa bartiisa ku sheegay in xarunta ururka ay hareereeyeen ciidamo boolis ah, kuwaas oo xubnaha ururka u sheegay in aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin bannaanka xarunta.