Tababarihii Hore Ee Xulka Qaranka England Oo Iska Soo Xaadiriyey Manchester United & Xilka Loo Magacaabayo

35

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay dhamaystirtay heshiisyo ay la gelayso Mitchell van der Gaag iyo Steve McClaren oo ka mid noqonaya shaqaalaha tababarka ee ka hoos shaqayn doona tababaraha cusub ee Red Devils ee Erik ten Hag.

Van der Gaag ayaa ahaa gacanta midig ee Ten Hag waqtigii uu joogay Ajax, waxaanna uu ka caawiyey in kooxdani ay saddex sannadood oo isku xiga ku guuleysato horyaalka Netherlands ee Eredivise.

Advertisements

McClaren oo isaguna hore usoo noqday tababaraha xulka qaranka England gacan-yare ka dhigtay Ten Hagmarkii uu ahaa tababaraha kooxda FC Twente sannadkii 2010, waxaanay ku guuleysteen horyaalka Netherlands.

Wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey, in Manchester United ay iman doonaan Steve McClaren iyo Van der Gaag oo ay ku xigeeno u noqon doonaan Erik ten Hag.

Advertisements

Qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay ayuu Fabrizio Romano ku yidhi: “Mitchell van der Gaag iyo Steve McClaren waxay ka mid noqon doonaan shaqaalaha tababarka Manchester United, waana xaqiiqo. Heshiisku gabogabo ayuu marayaa, waanay saxeexi doonaan labada dhinac.

Erik ten Hag oo Isniintii maanta soo gaadhay Carrington oo ah xarunta tababarka Manchester United ayaa isku dayaya inuu iskugu keeno Old Trafford gacanyareyaal ka caawiya  in uu dib ugu soo celin karo kooxda dhabbada guusha oo shantii sannadood ee ugu dambeeyey aanay wax koobab ah ku guuleysanin.

McClaren oo ka mid ah tababareyaasha Ingiriiska ee ugu khibradda badan ayaa la rumaysan yahay in uu wax badan kusoo kordhin doono Old Trafford oo uu ka caawin doono Ten Hag sidii uu u saldhigi lahaa ee uu ula qabsan lahaa nolosha Ingiriiska iyadoo uu dhinaca kalena ka caawin doono dhinaca luuqadda.