Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Shirka Madaxda Ee Ka Furmay Muqdisho

5

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Shirka Wadatashiga Qaran ee Maanta ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo doodaha Shirka Madaxda, isla markaana ay noqon doonaan doodaha kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in dalka uu aado doorasho loo dhan yahay, isla markaana shirka Maanta u furmay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada uu rajo wanaagsan ka qabo.

“Waxaan rajo weyn ka qabaa in doodaha siyaasadu ay noqdaan kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed isla markana dalku uu aado doorasho loo dhan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana shirka ka maqnaa MW Farmaajo oo iska wareejiay maamulka Doorashada.