Maxkamadda Sare oo si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle

2

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, taas oo uu si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Go’aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 19-ka Oktoobar 2026, ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay xaqiijisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, kaddib markii ay eegtay dukumentiyada iyo habraacyada la xiriira ansixinta natiijada.

Maxkamaddu waxay sheegtay in aanay jirin dacwad waafaqsan qodobka 73-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sharci Lr. 28 ee 23-kii Nofeembar 2024, oo laga soo gudbiyay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, taas oo dhacday 30-kii Sebtembar 2026.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay tixraacday qodobka 7-aad, faqraddiisa koowaad, xarafka (F), ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhigaya in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimuhu uu si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqo natiijada doorashada, halka Maxkamadda Sare ay leedahay awoodda ansixinta kama dambaysta ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay inay hubisay in codsiga ansixinta natiijada ee guddigu waafaqsan yahay shuruudaha ku xusan qodobka 7/1-aad ee Habraaca Maxkamadda Sare ee Federaalka ee Ansixinta Natiijada Doorashada iyo ka Garnaqidda Durridda Doorashooyinka, summaddiisuna tahay MS/F/005/07/2026, taariikhdiisuna tahay 28-kii Luulyo 2026.

Maxkamadda Sare, ayaa sheegtay inay cuskatay sababaha kor ku xusan, qodobka 5/4-aad (A) ee Xeer Lr. 3 ee soo baxay 12-kii Juun 1962, Xeerka Nidaamka Garsoorka, iyo qodobbada 10-aad, 11-aad iyo 13-aad ee Habraaca Maxkamadda Sare ee Federaalka, waxay soo saartay laba go’aan.

Marka koowaad, waxay si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee uu si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Marka labaad, waxay faraysay kaaliyaha sare ee Maxkamadda inuu xaqiijiyo in go’aanka la gaarsiiyo guddiga, isla markaana loo faafiyo si waafaqsan habraacyada sharciga ah.