RW Rooble oo ka hadlay shirkii doorashada ee maanta furmay

20

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee  maanta ka furmay Muqdisho, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirkaasi.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku daabacay ayaa waxaa uu ku yiri:

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

Shirkaan oo ay ka soo qeyb gallayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xallinta khilaafka doorashada iyo turxaan bixinta heshiiskii 17 septemper ee ay madaxdu hore u gaareen.

Afhayeenka xukumadda Sooomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimo ayaa sheegay in shirka maanta uu ku soo dhammaaday is-fahan, isla markaasna madaxda ay axada berri ah dib isugu soo laban doonnaan.