Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska ayaa xukun xabsi ah ku ridday Maxamed Maxamuud oo 22 jir ah, kaddib markii lagu helay dembi la xiriira diyaarinta falal argagixiso iyo isku dayga ku biirista kooxda Daacish-ta Soomaaliya.
Maxamed, oo magaalada Bristol kula noolaa hooyadii, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, waxaana intaas u dheer afar sano oo uu ku jiri doono nidaamka kormeerka shuruudaysan marka uu xabsiga ka baxo.
Xafiiska Xeer-ilaalinta Boqortooyada Ingiriiska (CPS) ayaa sheegay in Maxamed uu ku xagjirsaday fikirka kooxda Daacish, isla markaana uu qorsheynayay inuu Soomaaliya u safro si uu ugu biiro dagaalyahannada kooxdaas ka hawlgala deegaannada buuraleyda ah ee Puntland.
Sida lagu sheegay xogta maxkamadda, Maxamed ayaa farriimo kala duwan u diray dad uu kala xiriiray barta Telegram, isaga oo raadinayay cid ka caawisa ku biirista kooxda. Ugu dambayn, 30-kii Janaayo 2025 ayuu ka duulay garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London, isaga oo ku sii jeeday Garoowe.
Inkasta oo uu qabsaday tigidh uu dib ugu laaban lahaa Ingiriiska, haddana farriimihiisa gaarka ah ayaa muujiyay inuusan dhab ahaan qorsheynayn inuu dalkaas ku laabto, isaga oo muujiyay rabitaan uu ku tilmaamay “shahiidnimo”.
Maxamed ayaa markii uu Soomaaliya tegay isku dayay inuu xiriir la sameeyo xubno kooxda Daacish u qaabilsan qorista dagaalyahannada cusub, hase yeeshee wuxuu ku guuldarreystay inuu gaaro deegaannada ay kooxdu maamusho. Wuxuu dib ugu laabtay Ingiriiska bishii Maarso 2025, isaga oo sii waday xiriirkii uu la lahaa dadkii uu kala hadlay ku biirista kooxda.
Waxaa la xiray Janaayo 2026, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay taleefankiisa laga helay farriimo, muuqaallo iyo sawirro la xiriiray taageeradiisa fikirka rabshadaha wata ee Daacish.
Maxkamadda Winchester ayaa 18-kii Agoosto 2026 ku heshay dembiga diyaarinta falal argagixiso, waxaana xukunka xabsiga lagu dhawaaqay 19-kii Oktoobar 2026.
Xafiiska Xeer-ilaalinta Ingiriiska ayaa sheegay in kiisku muujinayo tallaabooyinkii uu ninkan u qaaday isku dayga ku biirista kooxda, oo ay ku jireen xiriirro dhanka internetka ah iyo safarkiisa Soomaaliya.











