Guddiga Fatahaada Beledweyne Oo Soo saaray Digniin.

1

Xubno kamid ah Guddiga fatahaada Magaalada Beledweyne iyo injiradii ku howlanaa ka hortagista Fatahaada ku soo noqnoqotay gudaha magaladaas iyo tuulooyinka hoosyimada ayaa soo saaray digniin Madaama sida ay shegeen uu koror ku yimid biyaha wabiga shabeelle lagana yaabo in fatahaad uu sameeyo.

Guddigan ayaa sheegay in biyahan ay yihiin kuwa badan ayna gareen meela aysan wali gaarin, dadkana looga bahanyahay in ay fejignaan ka galaan biyahaas.

Cabdi Yuusuf oo kamid ah guddiga fatahada magalada beledweyne ayaa sheegay in kanaalka qooqana oo 13 km u jira beledweyne ay soo gareen biyo badan ayna gareen deegfnka ceel gaal tuulooyin hoosyimada.

Injineer Bashiir maxamed Hassan ayaa dhankiisa isna shaacbka Beledweyne ugu baaqay iney sameeyaan feejignaan, biyahana ay ku socdaan xawaare sare.

Labadii sano ee u danbeysay gudaha Beledweyne, tuulooyinka hoosyimada kama dhicin wax fatahaad ah oo buuran kadib markii guddiga fatahadaha magalaadas ay sameeyeen dadaalo badan oo looga hortagaayo in fatahaad uu wabiga shabeelle oo halkaas mara uu ka sameeyo.

Sidoo kale webiga shabeelle ayaa dhaawan ku fatahay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka shabeellada dhexe taas oo hatan dad badan la tacaalayaan.