Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliya ku biirista EAC

20
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guusha weyn ee ay ka gaareen in ay xubin rasmi ah ka noqdaan ururka Bariga Afrika ee EAC.

War-saxaafadeedka ay soo saartay UNSOM ayaa lagu yiri “Waa guul u soo hoyatay Soomaaliya oo ka tarjumaysa dib ugu soo laabashada beesha caalamka iyo soo kabashada sharafteedii”.

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo shalay ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.”

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa, Burundi, Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, iyo Tanzania.