Xukuumada Somaliland oo Golaha Guurtida ka codsatay in ay dadajiyaan ansixinta xeerka doorashooyinka

22

Xukuumada Somaliland ayaa Golaha Guurtida ka codsatay in ay dadajiyaan ansixinta xeerka doorashooyinka isasaarka ah.

Wasiirka Wasaarada Warfaahinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumada ay ka go’antahay in la meelmariyo xeerka doorashooyinka isasaaran ee lagu heshiiyay.

“Cidkasta oo madmadow kaga jiro, ama shakida, ama dadka shaki kusoo dhextuurta, waxaanu u sheegaynaa in hawshaasi ay tahay sidii ay xukuumadu qaadatay iyo sidii uu kadaxweynuhu ugu gudbiyay golayaasha” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Golaha Guurtidu ay u madaxbannaanyihiin shaqooyinkooda, lakiin hadana ay ka codsanayaan in ay xeerka dadajiyaan iyaga oo tixgalinaya midnimada umada iyo isku kalsoonaanteeda.

“Golaha Guurtidu inkasta oo ay yihiin gole u madaxbannaan shuruucdooda iyo shaqadooda, waxaanu hadana ka xukuumad ahaan usoo heedinayanaa in ay dadajiyaan wixii kaga aadan” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo bil ah dib u dhigay ansxinta xeerka doorashooyinka isasaarka ah, taasi oo ay mucaaradku u arkeen in xukuumadu ay golaha soo faragalisay, ayna rabto in doorashooyinka dib u dhacaan.