Dowladda Soomaaliya ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeysay inuu magaalada Boosaaso u adeegsaday marin ay in ka badan 6,000 oo calooshood-u-shaqeystayaal Colombian ah uga gudbeen Suudaan, si ay uga qeyb qaataan dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo xoogagga RSF, iyadoo sidoo kale Abu Dhabi ku eedeysay inuu si sharci-darro ah ugu xadgudbay hawada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sheegtay in dagaalyahannadan ajaanibta ah ay garoonka diyaaradaha Boosaaso ku yimaadeen iyagoo iska dhigaya rakaab rayid ah, isla markaana aan wadan wax qalab ciidan ah ama astaamo muujinaya inay yihiin askar. Markii ay garoonka kasoo degeen ayaa basas lagu qaaday, waxaana la geeyay xarun ciidan oo Imaaraadku maamulo oo ku taalla magaalada, iyagoo aan marin habraacyada caadiga ah ee socdaalka iyo kastamka dowladda federaalka.
SNTV ayaa baahisay muuqaallo ay ku sheegtay inay muujinayaan basaska rakaabka ka qaaday garoonka iyo xarumaha la xiriira dhaqdhaqaaqyadaas. Waxay sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah muwaadiniinta Colombian-ka ah lagu arkay iyagoo ka ag dhow ciidamada Puntland, xilli lagu tilmaamay inay yihiin tababarayaal.
Dhinaca kale, xogta ay SNTV sheegtay inay ka heshay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa muujinaysa in 668 duulimaad oo aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha duulista federaalka ay galeen hawada Soomaaliya sannadkii 2025. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in 301 duulimaad oo aan fasax haysan laga diiwaangeliyay garoonka diyaaradaha Boosaaso sannadkii 2024.
Duulimaadyadan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen diyaarado ay shirkado gaar loo leeyahay leeyihiin, balse ay Imaaraadku kireysteen si ay u qaadaan dagaalyahannada iyo agabka milatari ee loo waday Suudaan. Warbixinta ayaa magacowday dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen duulimaadyadaas.











