Madaxweyne Xasan sheikh oo mar kale ka digay cawaaqib xumada khilaafka doorashada Puntland

30

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, xasan Sheikh Maxamuud ayaa mar kale ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta khilaafaadka doorashada Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta hortagay baarlamaanka labadiisa aqal, ayaa sheegay inay taabanayso oo uu ka xun yahay dhiilada colaadeed ee kasoo yeeraysa magaaalda Garowe.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka.

“Waxaan adkaynaynaa baaqyada wadahadalka iyo u dhego-nuglaanta baaqyada waxgaradka, in ay yihiin xalka ugu habboon ee maanta jiri kara.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in mar walba ay bogaadinayaan in doorashooyinka la dedejiyo, islamarkaana lagu qabto waqtigii loogu talo galay.

Waa markii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka digo khilaafka ka taagan doorashooyinka lagu muransan yahay ee maamul goboleedka Puntland.

Mar sii horraysay oo madaxweynuhu ka digay khilaafka doorashada Puntland, waxaa magaalada Garowe ka dhacay dagaal sababay dhimashada ugu yaraan 30 qof.

Mar kale, mucaaradka iyo madaxweyne Deni ayaa laga baqanayaa inay Garowe ku dagaalamaan, inkastoo ay socdaan dadaalo xal loogu raadinayo muranka doorashada.