Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladda sii kordheysa ee cunno yarida iyo nafaqo-darrada ka jirta Soomaaliya, iyadoo sheegtay in malaayiin qof ay weli wajahayaan xaalado adag oo dhanka helitaanka cuntada ah.
Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Isku-dhafka Kala-saarista Heerarka Cuntada (IPC), taas oo la daabacay 25-ka Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in qiyaastii 5.3 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan heerka saddexaad ama ka sarreeya ee cunno yarida ba’an muddada u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar 2026.
Dhanka kale, warbixinta ayaa si gaar ah u iftiimisay xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo sheegtay in qoysaskaasi ay weli ku jiraan heerka afraad ee cunno yarida, oo loo aqoonsaday xaalad degdeg ah, isla markaana ay wajahayaan nafaqo-darro ba’an.
Warbixinta ayaa qiyaastay in 77,000 oo barakacayaal ah oo ku sugan Baydhabo ay ku jiraan heerka saddexaad ama ka sarreeya ee cunno yarida, taas oo 19% ka yar qiyaastii hore loo sameeyay bishii Agoosto 2026.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegtay in khatartii macluusha ee horay looga cabsi qabay inay ka dhacdo xeryaha barakacayaasha Baydhabo aysan hadda muuqan, kaddib markii aysan dhicin xaaladdii ugu darnayd ee daadadka iyo barakaca ee lala xiriiriyay saadaashii El Niño.
Inkasta oo xaaladaha qaar ay soo hagaageen marka loo eego saadaashii hore, haddana IPC waxay ka digtay in cunno yarida iyo nafaqo-darradu ay weli yihiin kuwo heerar degdeg ah ka jira, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo u baahan taageero bani’aadannimo oo joogto ah.
Warbixintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay weli la tacaaleyso saameynta abaaraha, barakaca, colaadaha iyo duruufaha dhaqaale ee saameeyay nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed.











