Beesha Caalamka oo War kasoo saartay xiisadda Garoowe

26

War-saxaafadeed ay maanta si wadajir ah u soo saareen saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay ku baaqeen in la dejiyo lana xakameeyo xaaladda Magaalada Garoowe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu yiri” Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe kashacabka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka  ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.

Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.

Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.

Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.