Isimada Dhaqanka SSC oo wada dhex-dhexaadinta Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta mucaaradka

37

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa ka socda Kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo isku khilaafsan arrimo la xiriira doorashooyinka.

Qaar kamid ah Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa magaalada Garoowe ka wada xal u raadinta xiisadda ka taagan arrimaha doorashada 2024, iyaga oo kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo ku mursan doorashada.

Xogaha la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay Isimada la wadaageen in aysan dagaal wadin isla markaana ay diyaar u yihiin wada-hadal si loo xalliyo xiisadda ka jirta Magaalada Garoowe.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe kajirtay xiisad dagaal kadib markii Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ay ciidamo farabadan keeneen Magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ee Maanta naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka ay xaaladu tahay mid degan, balse weli dadkii ka barakacay Magaalada ay ka maqan yihiin.