Taliyaha Ciidanka Booliska oo gaaray degmada Cadalle ee gobolka Shabeelada Dhexe

38

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Saraakiil kale, ayaa Maanta kormeeray Xerada Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ee ku  sugan Degmada Qadiimiga ah ee Cadale ee  gobolka shabeladaa Dhexe.

Kormeerka ayaa daaranaa, u kuurgelida hanaanka shaqo, Badqabka iyo  Dhiirigalinta Ciidanka.

Ciidanka Daraawiishta Boliisku ayaa qeyb ka ah, Difaaca Waaxaha Qaranka, waxeyna waajibaadka difaaca la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo qeyb libaax ka qaata howlgalada la dhan aka ah Alshabaab ee Dalka ka socda.

Sidoo kale Ciidanka Daraawishta Boliiska ayaa qeyb ka ah hanaan dhimista Ciidanka ATMIS iyo kala wareegida xeryaha iyo fadhiyada la qorsheeyay.