Magaalada Baardheere oo laga qaadey Xayiraadii saarneyd in muddo ah

49

Magaalada Baardheere ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga qaadey Xayiraadii saarneyd Cir iyo Dhul oo ay ku soo rogeen Alshabaab.ka dib Baardheere lagu xirey dad ka badan ilaa 200 oo ruux .kuwaasi oo xilligasi ka soo laabtey Tuulada Shonqolow oo ah halka Alshabaab ay ka maamulaan degmada Baardheere.

Dadkaasi ka soo laabtey Shonqolow ayey Maamulka degmada Baardheere waxay dul saareen ganaax lacageed oo dhan midkiiba ilaa $500,taasi ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay in Alshabaab ay xiraan Cir iyo dhulba muddo ku dhow ilaa 14 maalin.

Dadaalo ay sameeyeen Odoyaasha iyo Waxgaradka degmada oo xariro la sameeyey Alshabaab ayaa la rumeysan yahay in markii dambe ay fasaxeen in la qaado Xayiraada.