Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay sababta Ciidanka Uga soo baxeen Farumaha dagaalka

20

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ciidanka dowladda usoo baneeyeen qaar ka mid ah furimaha dagaalka.

Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo la hadlayay ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin sare oo uu ka mid ahaa Ra’iisal wasaare Xamse oo halkaasi booqasho ku tagay ayaa si kooban uga hadlay waxyaabaha keenay in ciidanka dowladda ay dib uga soo baxaan deegaanada qaarkood.

“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo jirto ayey uga soo baxeen, marka dadka reer Aadan yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada Aadan yabaal, dadka ha difaacdaan Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsan doontaa hadii maanta lasoo galo oo Shabaab dib ugu soo laabdaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin.

 

Sidoo kale ‘ Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo sidoo kale sheegay inuu deegaan ahaan kasoo jeedo degmada Aadan yabaal ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga dalbaday raysal wasaaraha Xamse Cabdi Barre in Xukuumaddiisa ay degmada Aadan Yabaal siiso mudnaan gaar ah oo lagu hormarinaayo.

Ugu dambeeyntiina Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu ku sheegay in ciidanka ay dib uga soo baxeen furimaha qaar farsamo ayaa dadka Soomaaliyeed ka dhex dhalisay hadal heyn badan, maadama deegaanada ciidanka ay kaso baxeen qaarkood waqti hore laga xureeyay kooxda Al-shabaab.