Soomaaliya oo Kampala ku soo bandhigtay baasaboorka cusub

0

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ku soo bandhigtay baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ee jiilka saddexaad, iyadoo madaxda hay’adaha socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay soo dhoweeyeen horumarka ay Soomaaliya ka sameysay casriyeynta dukumentiyada aqoonsiga iyo safarka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Qaasim Yuusuf, oo hoggaaminayay wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qaybgalay, ayaa sheegay in dalka uu soo bandhigay saddexda nooc ee baasaboorka cusub, kuwaas oo kala ah kan caadiga ah, kan adeegga (Service Passport) iyo kan diblomaasiga.

Wuxuu sheegay in tusaalooyinka baasaboorka cusub ee la gaarsiiyay madaxda socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah ururka ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen, taas oo uu ku tilmaamay natiijo muhiim ah oo ka dhalatay ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigtay kaarka aqoonsiga qaranka oo leh awood mashiin lagu akhrin karo, isaga oo xusay in kaarkaas mustaqbalka loo adeegsan karo dukumenti safar oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku geli karaan siddeedda dal ee xubnaha ka ah EAC.

Hase yeeshee, arrintaasi waxay ku xirnaan doontaa dhammaystirka siyaasadaha iyo xeerarka ay dalalka xubnaha ka ah ururku ku heshiinayaan, sida uu sheegay mas’uulku.

Xuseen Qaasim ayaa intaas ku daray in madaxda shirka ay Soomaaliya ku bogaadiyeen sida ay muddo gaaban ugu suurtagashay inay baasaboorkeeda iyo nidaamka aqoonsiga qaranka waafajiso halbeegyada EAC, marka loo eego muddadii ay dalal kale oo xubnaha ka ah ururku ku qaadatay hirgelinta tallaabooyinka la midka ah.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa madaxda hay’adaha socdaalka ee EAC ku casuuntay inay mid ka mid ah shirarkooda soo socda ku qabtaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa lagu casuumay inay ka soo qaybgalaan munaasabadda lagu daahfurayo adeegga baasaboorka cusub ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, inkasta oo aan weli la shaacin taariikhda rasmiga ah ee munaasabaddaasi dhici doonto.

Shirka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray fulinta go’aannada Golaha Wasiirrada EAC, mideynta habraacyada socdaalka, aqoonsiga kaararka aqoonsiga qaranka ee dalalka xubnaha ka ah, casriyeynta adeegyada socdaalka iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta gobolka.