Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo qaaday tallaabo halis ah

0

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaas, Recep Tayyip Erdogan, uu si rasmi ah u ansixiyey heshiis difaac oo wadajir ah oo dhexmaray Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baarlamaanka Turkigu uu heshiiska ansixiyey horraantii bishan Nofeembar, taas oo dhammaystirtay hannaankii sharci ee lagu meelmarinayey.

Saddexda dal ayaa heshiiskan difaaca wadajirka ah ku kala saxiixday magaalada Maka ee Sacuudiga bishii August ee sannadkan.

Dalalkan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay maalmaha Jimcaha iyo Sabtida shir madaxeed ku yeeshaan magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.

Baarlamaanka Turkiga ayaa heshiiska ansixiyey 5-tii Nofeembar, taas oo Ankara u suurtagelinaysa inay taageero milatari siiso Riyadh, iyadoo la raacayo qodobada heshiiska.

Sida ku cad heshiiska, weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal ayaa loo aqoonsanayaa weerar lagu qaaday dhammaantood.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa bishii hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in baarlamaanka la horgeyn doono hindise sharciyeed oggolaanaya in heshiiskan lagu salayn karo dirista ciidamo Turki ah oo la geeyo Sacuudiga.

Turkiga ayaa leh ciidanka labaad ee ugu weyn dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO.