Afgembi Milliteri oo ka dhacay dalka Gaboon

44
Koox Saraakiil sarsare oo ka tirsan Milliteriga dalkaas ayaa ku dhawaaqay inay la wareegeen Talada Gambia, isla markaana ay laaleen Natiijada Doorashadii Madaxweynaha ee uu markii 3-aad ku guuleystay Madaxweyne Sli Omar Bongo.
Saraakiisha oo Waaberigii hore ee saakayto oo Arbaco ah ka soo muuqday Telefishinka Gabon 24 TV ayey kaga dhawaaqeen inay Afgembi Milliteri kula wareegeen Talada dalkaasi.
Saraakiisha Milliteriga waxay kaloo sheegeen inay kala direen Hay’adihii Dowladda, lana xiray Xuduudaha dalkaasi.
Saraakiisha Milliteriga waxay kaloo kansal gareeyeen Natiijada dib loogu soo doortay Madaxweyne Ali Omar Bongo oo Talada dalkaasi hayey muddo 14 sano ah.
Natiijada Doorashada oo saakayto la shaaciyey ayuu Madaxweyne Bongo helay 64.27%.
Dhanka kale, Qarax weyn iyo Tacshiirad ayaa laga maqlayaa Caasimadda dalka Gabon ee Libreville