Madaxweyne Shariif oo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda Laascaanood

30

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq nabadeed kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda.

“Dagaalkan wuxuu qixiyay shacab badan oo xaalado kala duwan ku sugnaa intii uu socday, waxaa ku dhintay dad aan waxba galabsan waxaas oo dhibaato ahna waxay ahayd wax laga baaqsan karay.

Maadaama ay dhibaatadu socotay in muddo ah horeyna baaqyo kala duwan aan uga soo saarnay waxaan markale ku celinaynaa in dagaal dambe uusan dhicin, dadkii guryahooda ka barakacay dib ugu soo noqdaan, colaaddana lagu dhameeyo wada hadal.” ayuu ku yiri bayaan uu soo dhigay boggaiisa rasmiga ah ee Facebook.

“Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wadahadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaartay haddana waxaa indheer garadka iyo isimada dhaqanka la gudboon inay u istaagaan sidii dagaalka halkiisa loogu joojin lahaa, dadka dariska ah ee walaalaha ah ee waligood deegaan wadaagga ahaana loo heshiisiin lahaa.” ayuu raaciyay.

Sheekh Shariif ayaa dhica kale dowladda Federaalka ugu baaqay inay qaadato ‘dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac.’

“Waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah.” ayuu Sheekh Shariif kusoo gaban gabeeyay.