Puntland ayaa ka hortimid eedeymaha loo jeedinayo dowladda Imaaraadka Carabta ee la xiriira faragalinta ay ku hayso Soomaaliya arrimaheeda gudaha, isagoo ku tilmaamay kuwo ka tarjumaya xaasidnimo iyo colaad siyaasadeed oo loo qabo taageerada amni ee Imaaraat-ku ku taagero Puntland.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur, ayaa sheegay in Imaaraadku maalgelin iyo taageero ka geystay casriyeynta iyo dib-u-dhiska dekedda Boosaaso, ballaarinta garoonka diyaaradaha magaalada, iyo dib-u-habaynta ciidamada booliska Puntland, oo ay ku jiraan saldhigyada booliska iyo taliska guud ee ciidanka.
Waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Imaaraadku taageero siiso ciidamada badda Puntland, si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadkooda la xiriira la dagaallanka burcad-badeedda iyo kooxaha argagixisada, gaar ahaan Daacish.
Cabdifataax ayaa intaa ku daray in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu leeyahay taariikh dheer oo ku dhisan iskaashi dhaqaale iyo mid bulsho, isla markaana taageerada Imaaraadku siiyay Puntland aysan ahayn arrin cusub.
Mar wax laga weydiiyay jiritaanka heshiis difaac oo Puntland iyo Imaaraadka dhexmaray, kaas oo aan soo marin dowladda federaalka Soomaaliya, ayuu sheegay in heshiisyada iyo iskaashiga labada dhinac aysan ahayn wax qarsoodi ah, balse ay soo mareen golayaasha dowladda, ayna og yihiin dowladda federaalka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiska ballaarinta dekedda Boosaaso ee shirkadda DP World iyo taageerada Imaaraadka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo sheegay in dowladda federaalku hore ula socotay iskaashigaas, mararna ay madaxdeedu uga mahadceliyeen Abu Dhabi kaalinta ay ka qaadatay arrimaha amniga.
Dhanka kale, wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu dalka ku hoggaaminayo muran siyaasadeed iyo dacaayado, halkii uu xoogga saari lahaa xal u helidda khilaafaadka jira iyo diyaarinta doorasho loo dhan yahay.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad siyaasadeed oo halis ah, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu miiska wada-hadalka yimaado, xaqiiqada dalka taallana wajaho, isla markaana laga gudbo waxa uu ku tilmaamay riwaayado iyo olole siyaasadeed.











