Wararkii ugu dambeeyay weerar askar lagu laayay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

49

Lix askari ayaa lagu dilay weerar kooxda Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen bar koontarool oo ku taala waddada ka baxda degmada Balcad ee aada magaalada Jowhar.

Dad ku sugan Balcad ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab oo wata mid kamid ah gawaarida dadweyanaha ay yimaadeen halka ay fadhiyeen ciidamada Dawladda, dabadeedna ay tacshiirad ku fureen askarta.

Kooxda weerarka geysatay ayaa horey u qaadatay hubkii askarta la laayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, iyagoo intaa ku daray inay dileen todobo askari, horeyna ay u qaateen lix qori.

Illaa hadda Milatariga Dawladdu kama hadlin weerarka ka dhacay Balcad.