UNOCHA oo ka hadashay dadka ay Somaliland ka masaafurisay Laasacaanood

2

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ee qaramada midoobey ayaa si adag ah u cambaareeysay xarigga iyo barakicinta khasabka ah ee in ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland kasoo barakacisay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.

Hay’addda ayaa sheegtay in ay wadaan dadaalo loogu gurmanayo dadka sahcabka ah, islamarkaana ay qiimeyn bani’aadamnimo oo deg -deg ah sameyn doonaan, si loo dejiyo tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulka Puntland, si loogu helo hoy ku-meelgaar ah.

“Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-daridka gargaarka QM ee UNOCHA,

UNOCHA ayaa ku boorisay Somaliland in ay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara oo lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey.