Puntland oo gacanta ku dhigtay khamri iyo dadkii ka siday.

9

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska magaalada Garoowe ay gacanta ku bandhigeen khamri iyo gaarigii siday oo xalay lagu qabtay saldhiga galbeed ee magaaladaasi.

Taliye ku xigeenka saldhiga galbeed Xiddigle Cabdullaahi Cali Wadaad (Qoob) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhalooyinkaas khamriga ah iyo darawalka gaarigii siday loo gudbin doono sharciga.

Sidoo kale taliye ku xigeenka ayaa sheegay in ay baxsadeen laba nin oo saarnaa gaariga khamriga siday islamarkaana weli Booliisku ku raad-joogaan.

muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa waday howlgal lagula dagaalamayo dadka ka ganacsada khamriga, islamarkaana geeya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.