Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi ayaa kulan ku yeeshay magaalada Al-Calamayn, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha amniga ee Geeska Afrika.
Kulanka ayaa ka dhacay xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeybgalayay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn–Afrika, waxaana labada madaxweyne ay diiradda saareen xaaladda gudaha Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay taageersan tahay madax-bannaanida Soomaaliya, midnimada dalka iyo wadajirka dhuleed, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in Qaahira ay sii wadi doonto taageerada hay’adaha qaranka Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay muhiimadda xiriirka Soomaaliya iyo Masar, isagoo uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta.
Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka madaxtooyada Masar, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo is-afgaradka u dhexeeya dhinacyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya, Masar iyo dalalka gobolka ee ku aaddan amniga Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Bab al-Mandab iyo Badda Cas.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso iskaashiga dalalka gobolka ee dhinacyada amniga, xasilloonida iyo ilaalinta danaha











