Guddiga Dib-u-Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Kulan la Yeeshay Xildhibaano Federaalka ah

0

Guddiga Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga, Suldaan Warsame Suldaan Caliyow Ibrow, ayaa kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay dardargelinta dadaallada dib-u-heshiisiinta, xoojinta wada-tashiga iyo isu-soo-dhoweynta bulshada, iyadoo diiradda la saaray sidii loo heli lahaa xal waara oo horseeda nabad, xasillooni iyo isku-duubni ka hanaqaadda deegaannada Koonfur Galbeed.

Guddiga iyo xildhibaanada ayaa is-dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku aaddan muhiimadda ay leedahay xoojinta dadaallada nabadeed iyo abuurista jawi ku habboon wada-hadal iyo is-faham dhex mara dhinacyada kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay doorka ay waxgaradka, siyaasiyiinta, culimada, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha bulshada Koonfur Galbeed ka qaadan karaan dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo soo celinta kalsoonida bulshada.

Guddiga Dib-u-Heshiisiinta ayaa tilmaamay in dib-u-heshiisiintu ay tahay waddo muhiim u ah xoojinta midnimada bulshada, soo celinta xasilloonida iyo horumarinta wada-noolaanshaha shacabka Koonfur Galbeed. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-tashiga iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta ee Koonfur Galbeed.

May be an image of one or more people, dais and text