Maxkamad xukun ku riday rag magaca Shabaab dad ku dhacayay

10

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday laba rag ah oo lagu soo eedeyay in ay shacabka ku dhacayeen iyaga oo sheeganaya Al-Shabaab.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, oo loo haystay in ay dadka baad kaga Qaadi jireen magaca Al-shabaab, kuwaa Afduubka u geeystay dhowr qof si ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanjireen Bixinta lacagaha ay Argagixisada ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.